Somali News

Koox weerar jid-gal ah ku qaaday guddomiyaha Luuq oo qaar la dilay qaarna la qabtay

Doolow-KNN-Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shaabab ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay wadada xariirisa magaalooyinka Luuq iyo Doolow, waxuuna ku bilaawday weerar jid-gal ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen gadiid uu la socday guddoomiyaha cusub ee degmada Luuq.

Kolonyada guddoomiyaha ayaa markii la weeraray ka timid dhinaca degmada Doolow, waxaana halkaas ka dhacay dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka maamulka gobolka Gedo Cali Cabdullahi Jubba ayaa sheegay in ciidamadii dowladda ee la socday kolonyadii guddoomiyaha Luuq ee lagu qaaday weerarka jid galka ah ay dileen 7-dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana ay nolosha ku qabteen afar dagaalame oo kale.

Ururka Al-Shabaab oo war kasoo saaray weerarkaas ayaa sheegtay mas’uuliyadiisa, waxayna sheegeen in laba gaari ay ka furteen ciidamada ay weerarka ku qaadeen ee dowladda.