Sports

Kooxaha Arsenal iyo Atletico Madrid oo Caawa isku dhagan

Muqdisho-KNN-Kulan aad u xiiso badan ayaa caawa dhax mari doono kooxaha Arsenal iyo Atletico Madrid kuwaas oo ku loolami doono koobka Europa Leaguega.

Wiilasha macalin Wenger ay soo dhaweynaya wiilasha macalin Diego Simeone iyadoo dooneya iney talaabo u qaaddo wadadii ay sanadka dambe kusoo aadi laheyd Champions League, sidoo kalana ku hanan laheyd koobka Europa League.

Macalin Wenger ayaa heysta fursad uu koobka Europa League macsalaamo uga dhigo jamaahiirta kooxda Gunners kuwaas oo ku farxay go’aankii uu ku xaqiijiyay inuu ika casilayo xilka tababaranimo ee kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Dhanka kale Diego Simeone ayaa doonaya qudhiisa inuu koobkaan usoo xareeyo, kooxdiisa isla markaana uu wadadii guulaha kusoo celiyo.

Ciyaartaas ayaa caawa waxaa la daawan doonaa Saacadda Geeska Afrika marka ay tahay 10:05 Habeenimo, taa oo ka dhici doonta Garoonka Emirates Stadium ee ay ku dheesho kooxda Arsenal, waxana ciyaarta dhax dhaxaadinaya Garsoore Clement Turpin oo u dhashay dalka Franceska.

Mesut Ozil iyo Jack Wilshere ayaa tababar sameeyay khamiistii, sidoo kale Kolasinac ayaa isna xaadir ahaa kuwaas oo dhamaantood seegay kulankii West Ham – waxaana la filayaa iney kulanka caawa diyaar yahiin.

Dhanka kale Elneny ayaa seegi doona ciyaartaan kaas oo kulankii West Ham garoonka laga qaaday, Henrikh Mkhitaryan ayaa sidoo kale seegi doona.

Dhinac akale Filipe Luis iyo Juanfran ayaa seegi doona kulanka kuwaas oo dhaawacyo qaba, waana laba xidig oo muhiim ah.

Kulanka Caawa muxuu ugu dhigan yahay labada kooxood.

Kani waa kulankii ugu horeeyay oo ay labadaan kooxood is arkaan – Atletico ayaana noqoneysa kooxdii 10-aad oo ka socota Spain oo tartanka yurub ay isku arkaan Arsenal.

Arsenal waxey kasoo muuqaneysaa markii sideedaad Semi Finalka Tartamada yurub, lix ka mid ah ayey gudubtay todobadii ay soo ciyaartay, kaliya 2008/2009 ayey ku fashilantay markii ay Man United la ciyaareen Champions League.

Atletico Madrid waxey ciyaareysaa markii sadexaad Semi Finalka tartanka Europa League – wey guuleystay kulan ay 2009-2010 la ciyaartay Liverpool sidoo kalana Valencia ayey ka adkaatay 2011/2012 – waana labada jeer oo ay final gaartay.

Shaxda Macquuka Ah:

Arsenal:Cech; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Monreal; Xhaka, Wilshere, Ramsey; Ozil, Welbeck, Lacazette.

Atletico Madrid: Oblak; Vrsaljko, Godin, Savic, Hernandez; Koke, Gabi, Saul, Correa, Vitolo; Griezmann.