Somali News

Kooxaha ku dagaalamaya Yemen oo gaaray heshiis xabad joojin ah

Muqdisho-KNN-Dhinacyada ku dagaalamaya dalka yemen ayaa kuheshiiyay in xabad joojin laga sameeyo magaalada dekedda ee Xudayda.

Heshiiskaan oo ay Qaramada Midoobay dhex-dhexaadinaysay ayaa waxa uu ka dhacay dalka Sweden.

Xogahaya guud ee Qarama midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu rajaynayo in heshiiskaan uu soo afjaro dagaalka dalka Yemen ka socda ku dhawaadda afar sano.

Dagaalka yemen waxaa lagu dilay kumanaan qof, iyadoo uu dalka noqday kan daran dunida ee ay ka jirto xaalad bini’aadanimo