Somali News

Kooxda Arsenal oo markeedii 14-aad ku guuleysatay koobka ugu faca wayn dunida

Muqdisho-KNN-Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa xalay markeedii 14-aad ku guuleesatay koobka ugu faca wayn dunida ee FA Cup’ka.

Ciyaartii kama dambaysta ahayd ayay kooxda Arsenal kaga hor timid dhigeeda Chelsea taas oo ay kaga adkaatay 2-1. Waxaana labada gool ay kooxda Arsenal kaga mahad celinaysaa ciyaariyahankeeda reer  Gabon Pierre-Emerick Aubameyang.

Kooxda Arsenal ayaana nasiib u heshay in ay dheesho koobka Uefa Champions League maadaama ay ku guulaysatay koobka FA Cup’ka.