Somali News

Kooxda Bayern Munich oo ku guuleysatay koobka loogu jecel yahay yurub ee Champions League.

Muqdisho-KNN-Kooxda ka dhisan horyaalka dalka Jarmalka ee Bayern Munich ayaa xalay makeedii lixaad ku guuleesatay koobka loogu jecel yahay qaaradda yurub ee champions League.

Guusha Bayern ayaana timid kadib markii 1-0 ay kaga adkaatay dhigeeda kooxda PSG ee ka dhisan horyaalka dalka Faransiika.

Ciyaariyahanka kooxda Bayern ee Kingsley Coman, ayaana daqiiqadii 59’aad gool uu kooxdiisa u dhaliyay soo afjaray rajadii ay kooxda PSG ka lahayd in koobkaan ay ku guulaystaan taariikhda markoodii ugu horeesay.