Uncategorized

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya oo digniin culus oo soo saaray.

Muqdisho-KNN-Koox indha-indhaysa dhaq dhaqaaqyada Xagjiriinta ayaa sheegtay in kooxda Dowladda Islaamka la magic-baxday ee Dacish ay baahiyeen muqaalkii ugu horeeyay oo ay kasoo muuqdeen Dagaalamayaasha Daacishta Soomaliya.

Muqaalkaan ayaa lagu baahiyay Internetka waxaana loogu baaqay taagerayaasha IS inay bartilmaamaysadaan dadka aan haysan diinta islaamka sidoo kalena la weeraro kaniisadaha iyo suuqyada ganacsi.

Kooxdaan sirdoonka qaabilsan ee Seit la yiraahdo ayaa shaaca ka qaaday in muqaalkaan uu yahay mid fariin loogu diraayay taagerayaasha Daacish inay qaadaan weeraro xoogan iyagoo ka faa’ideysanaya inta lagu gua jiro maalmaha ciidaha Kirismiska.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii tagtay waxa ay diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn ay duqeyeen dagalamayaal IS ka tirsan oo ku sugnaa deganada Puntland oo saldhig u ah inkastoo laga digaayo inay tiradoodi sii korarto hadana badankooda ayaa la tilmaamaya inay ka baxsanayaan Xarakada Al-shabaab.

Kooxdaan waxa ay fadhiisin ka dhigteen baadiyaha waqooyiga Soomaaliya ee maamul ka Puntlan uu ka arimiyo,Khuburada ayaa ka digaysa in tirade u dagaalanta Daacishta Soomaaliya ay sii kordhi karaan iyadoo kuwa ka dagaalamayay Syria iyo Iraq ay naftooda hada kala baxsanayaan howlgalka Mareykanka uu hogaaminayo ee laga wado labada dal.