Somali News

Kooxda Daacish oo Ciraaq weerar culus ugu geysatay koox gacan saar la leh dowladda

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsan kooxda Xashad Al-Shaabi ayaa geeriyooday, kadib markii ay soo weerareen dagaalamyaal ka tirsan kooxda Daacish. 

Weerarka lagu dilay xubnaha kooxdaas ayaa ka dhacay gobolka Salaaxu-diin ee dalka Ciraaq.

Kooxda Xashad Al-Shaabi ayaa taageerta ciidamada dowladda Ciraaq, waxayna wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in haatan xaalada aagii lagu dagaalamay ay dagantahay, kooxdii weerarka soo qaaday ee Daacish-na dib loo riixay oo dagaalkaas looga awood roonaaday.

Kooxda Xashad Al-Shaabi oo ka dagaalanta dalka Ciraaq gacan saarna la leh ciidanka dowladda ayaa qayb ka qaadatay weerar seddax sano kahor lagu jabiyey dagaalamyaasha ururka Daacish.