Somali News

Kooxda Taalibaan oo dilay ku dhawaad 30 Askari oo ka tirsan Ciidamadda Afganistan

Muqdisho-KNN-Ururka Taalibaan ayaa dilay 30 Askari oo ka tirsan Ciidamadda Afganistan kadib markii ay weerar ku qaadeen Labo barkoontarool oo ay ku leeyihiin galbeed Gobolka Badghis, sida uu Reuters u sheegay Gudoomiyaha Gobolka.

Weerarka oo dhacay saacadihii hore Arbacadaan ayaa imaanaya maalmo ka dib markii Talibaan ay ku dhawaaqeen in ay dib u bilaabayaan Weeraradooda ka dhan ka ah Ciidamadda Afganistaan, Madaxweeyne Asharaf gaani ayaa sheegay in uu Xabad joojinta ku kordhinaayo 10 maalmood.

Gudoomiyaha Gobolka Cabdul Qafoor Malikzai ayaa xaqiijiyay Weerarka dhimashadda badan.

Cabdul Qafoor waxaa uu sheegay in hal saldhig oo military  la weeraray.

“Tiro ka  tirsan Xoogga Taalibaan oo jihooyin kala duwan ka yimid ayaa dagaal culus ku dilay  30 Askari oo ka tirsan Ciidamadda Taalibaanna waxay qabsadeen Saldhigga”.

15 Dagaalame oo ka tirsan Taalibaan ayaa sidoo kale la dilay sida uu gudoomiyuhu xaqiijiyay.