Somali News

Kooxo hubaysan oo Dagmada Qardho ku dilay Taliyihii Saldhigga Degmadaas.

Sida uu xaqiijiyay Guddiimiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan waxaa saaka kooxo hubeysan oo sida lasheegay isticmaalayay Maandooriye ay ku dileen magaaladda Qardho Allah Unaxariistee Taliyihii saldhiga degmadda Qardho Cumar Hiirad Kaatun.

Guddiimiyaha Gobolka Karkaar oo warbaahinta u xaqiijiyay dilka marxuunka ayaan faahfaahin dheeraad ah oo la xiriira dilka Taliyaha Saldhiga degmadda Qardho.

Wararku waxay sheegayaan in Laamaha Amniga Gobolka Karkaar ay ku daba jiraan kooxihii maandooriyaha isticmaalayay ee dilay Taliyaha, islmarkaana aan weli gacanta lagu dhigin.