Somali News

Kooxo hubaysan oo Muqdisho ku dilay labo qof oo shacab ah

Xili maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ay kusoo badanayeen dilalka qorsheeysan ee loo geysanayo dadka shacabka ah ayaa waxaa xalay degmada kaxda lagu dilay labo qof oo shacab ah sidoo kalana goob maqaaxi ah wada fadhiyay sida ay dadka degaanka inoo sheegen.

Labada qof ee la dilay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Abdi Osman Ali iyo Wiil uu Adeer u yahay kaas oo isna lagu magacaabo Husein Abaas.

Kooxdii dilka geestay ayaa goobta isaga baxsatay sida ay inoo sheegeen Dadka degaanka, waxaan goor danbo gaaray ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Degmada kaxda oo kamid ah degmooyinka ugu Amniga xun muqdisho ayaa waxaa usii dheer amni xumada ka jirta in Gudoomiyaha dagmada uu dagan yahay dagma kale, taas oo walwal ku abuurtay dadka degmada kaxda ku nool.

Dhanka kale maalmihii lasoo dhaafay degmooyinka, kaaran, wadajir, Deyniile iyo Yaaqshiid waxaa kusoo badanayay kooxo hubeysan oo dadka u geeysano dhac kadibna dilayo taas, oo noqotay mid hadalheyn ka dhex abuurtay bulshada, iyadoona Dowladdu ay ilaa haatan ka hadlin amni xumada kusoo korortay magaalada Muqdisho.