Somali News

Kooxo hubeysan oo Askar ku dishay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Waxaa Maanta Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda  lagu dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaallada Muqdisho,xili ay saaraayeen gaari kuwa raaxada ah.

Dilka wuxuu ka dhacay nawaaxiga Suuqa Qudaarta ee Magaalada Muqdisho,waxaana dilka askarta ka dambeysay kooxo bastoolado ku hubeysneynaa.

Goobjoogayaal ayaa KNN u Sheegay in mid ka mid ah Askari la dilay uu ahaa kuwa Minishiibiyada.

Intaa kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo Halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Saraakiisha Ciidamada amaanka ayaan weli ka hadlin Falkan ka dhacay suuqa bakaaraha ee Magaalada muqdisho.

Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo askarta ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan.