Uncategorized

Kooxo hubeysan oo Bam gacmeed ku weeraray ciidamo ku sugnay Boosaaso.

Boosaaso-KNN-Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii Bam gacmeed ku weeraray fadhiisimo ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, inta la xaqiijiyay hal Askari iyo qof Shacab ah ayaa ku geeriyooday weerarkaas, sidoo kale sedax qof oo shacab ah ayaa dhaawac uu ka soo gaaray sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka oo KNN la hadlay.

Shalay ayey aheed markii Magaalada Boosaaso lagu dilay laba qof oo shaacb ah iyo hal Askari iyadoona mas`uuliyada weerarkaas ay sheegteen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Maamlmihii dambe ayaa waxaa sii xumaanaayay amaanka Magaalada Boosaaso oo ay ka dhacayeen weeraro iyo dilal qorsheysan iyadoona laamaha amaanka ee Puntland ay ku goodiyeen in ay wax ka qaban doonaan kooxaha amnidarada kawada deegaanada Maamulka Puntland uu ka arimo, inkastoo aysan arintaas ay wali meel marin.

Majiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada ee Gobolka Bari gaar ahaan kuwa Boosaaso oo ku aadan weerarkii xalay ka dhacay Magaaladaasi, sidoo kale majiraan cid ilaa iyo hadda sheegtay mas`uuliyada weerarkaas xalay lagu qaaday fadhiisimo ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Magaalada Boosaaso.