Uncategorized

Kooxo hubeysan oo bambaanooyin ku weeraray guriga gudoomiyihii hore ee Howlwadaag.


Muqdisho-KNN-Inta la xaqiijiyay laba ruux oo mid uu yahay cunug yar ayaa ku geeriyootay halka qof kale uu ku dhaawacmay weerar xalay koox hubeysan ay ku qaadeen guriga muqdisho uu ka daganyahay gudoomiyihii hore ee Dagmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Cali Jacfar.

Afayeenka Wasaarada Amniga Cabdicasiis Cali Ibraahim oo KNN lahadlay ayaa sheegay in rag hubeysan ay xalay bambaanooyin ku tuureen Guriga Gudoomihii hore ee Dagmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Cali jacfar.

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa howgalo ka sameeyay agagaarka xaafada uu dagan yahay gudoomihii hore ee dagmada Howlwadaag.

Ilaa iyo hadda majirto cid loo soo qabtay weerarkaas xalay lagu qaaday xuriga uu muqdisho ka daganyahay gudoomiyihii hore ee Dagmada Howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir.