Uncategorized

Kooxo hubeysan oo caawa qof shacab ah ku dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa caawa salaadii Maqrib kadib qof shacab ah ku dilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in qofka la dilay lagu magacaabijiray Xasan Sulub kana mid ahaa dadka dalaaleyda loo yaqaano ee ku nool degmadaasi.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday ‘ iyadoona goobta ay soo gaareen ciidamada amaanka oo halkaas  baaritaano ka sameeyay.

Habeenidii dambe ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo mas’uuliyadooda ay sheeganayeen Al-shabaab.