Somali News

Kooxo hubeysan oo goor dhow Askari ka tirsan Ciidamada dowlada ku dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Kooxo hubeysan ayaa goor dhow Askari ka tirsan Ciidamada dowlada ku dilay inta u dhaxeysa isgoyska Dabka iyo Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ragii dilka geystay oo ku hubeysnay bistoolado ayaa goobta ka baxsaday isda goobjoogayaal ay u sheegeen Idaacada Kulmiye.

Ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa goobta gaaray mana jiraan cid ay usoo qabteen falkaasi dilka ah ee maanta rag hubeysan ay u geysteen Askari ka tirsanay Ciidamada minashiibiya Soomaaliya.

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helayo falkaasi dilka ah ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.