Muqdisho-KNN-Dabley hubeysan ayaa goor dhow qof shacab ah ku dilay aga gaarka wadada Dabka ee magaalada Muqdisho sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Kulmiye.
Kooxdii dilka geysatay ayaa Goobta ka baxsaday waxaana halkaasi gaaray Ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho kuwaas oo goobta ka sameeyay howgal lagu baadi goobayo ragii dilkaasi ka dambeeyay.
Wararka qaar ee soo baxaya ayaa tilmaamaya in qofka la dilay uu ka mid ahaa ergadii soo dooratay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed.
Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helayo dilkaan goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho.
La soco wixii ka soo kordha.