Uncategorized

Kooxo hubeysan oo maanta Askari ka tirsan dowlada ku dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa maanta barqadii Askari ka tirsan dowlada ku dilay Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Kooxihii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta ka hor inta aysan goobnta gaarin ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Kuwaas oo baaritaano ka sameeyay Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Habeenadii la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay qaraxyo loogu xerayay xubno ka tirsan dowlada Gawaaridooda iyo dilal qorsheysan oo mas`uuliyadooda ay sheegteen  dagaalameyaasha Al-shabaab.