Uncategorized

Kooxo hubeysan oo Nabadoon ku dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho-KNN-Kooxo hubeysan ayaa Nabadoon aad looga yaqaanay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku dilay gudaha degmadaasi.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday iyadoona goobta uu dilka uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowlada.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in Nabadoonka la dilay uu ahaa shaqsi aad looga yaqiinay degmadaasi.

Maalmihii dambe ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo inta badan mas’uuliyadooda ay sheegteen kooxda Al-shabaab.