Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo agagaarka suuqa Khudaarta ee degmada hodan ee gobolka banaadir ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysnaa bistoolad ay dil ka geysteen suuqaasi.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Sheegay in nin da’adiisa lagu qiyaasay 60 sano jir lagu dilay suuqaasi,waxaana uu dilka si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa suuqa khudaarta iyo Isgooska Sheekh Cali Suufi ee Magaalada Muqdisho .
Ciidaamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay gaareen goobta uu dilka dhacay.
Mana jiraan ilaa iyo hada cid loo qabtay dilka maanta ka dhacay suuqa khudaarta ee degmada hodan ee gobolka banaadir