Uncategorized

Kooxo hubeysan oo Nin Nabadoon ahaa ku dilay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho-KNN- Waxaa goordhaw degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ay kooxo hubeysan ku dileen nabadoon lagu magacaabi jiray Axmed Cabdulle Jimcaale oo kamid ahaa nabadoonada Gobolka Hiiraan.

dadka ka ag dhawaa halka uu dilka ka dhacay ayaa waxaa ay inoo sheegeen in dhalinyaro ku hubeysnaa Bastoolado ay dilka u geysteen nabadoonka kadibna ay iskaga baxsadeen Goobta uu dilka ka dhacay.

Maamulka degmada Hodan iyo laamaha amaanka ee degmada ayaanan wali ka hadlin dilka ka dhacay degmadaasi.

dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale rag nabadoono ahaa lagu dilay magaalada Muqdisho , waxaana inta badan dilalkaasi sheegtay Al-shabaab.