Afgooye-KNN-Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saakay baaritaano ka wada xaafado ka mid ah degmadaasi waxaana Baaritaanadaan ay daba joogaan dil ka dhacay degmada.
Goob joogayaal ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Ciidanka Dowladda ay ku jiraan Xaafadaha degmada waxaana lagu soo qab qabtay dhalinyaro badan waxaana la sii daayay qaarkood halka kuwa kalane ay Ciidanka Ka xeesteyn.
Dilkaan ayaa dhacay Xalay waxaana loo geestay Alle ha u naxariistee qof ka mid ah dadka deegaanka Lamana oga sababta keentay dilkiisa.
Dhalinyaro Bastoolado ku hubeysan ayaa dilka fulisay waxaana la sheegay in dilka ka dib ay goobtaasi ka baxsadeyn.