Baladweyne-KNN-Degaanka Baardheere oo ku yaalla duleedka magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiraan ayaa ka dhacay dil la soo sheegay in loo geystay nin oday ahaa.
Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in ninka la dilay lagu magacaabi jiray Tawane Ciilow, Iyadoona Ehelkiisa ay sheegeen in Al-Shabaab ay ka dambeeyaan dilka,Waxaa ayna tilmaameen in waqtiga la beegsanayay ninkan da’da uu watay gaari nuuca raaxada ah.
Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta ay falka ka fuliyeen.
Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,iyagoona halkaasi baaritaano ay ka sameeyeen.
Saraakiisha ciidanka iyo Maamulka Gobalka Hiiraan weli kama hadlay dilka ka dhacay duleedka Magaalada baladweyne.