Somali News

Kooxo hubeysan oo xalay wiil dhalin yaro ah ku dhaawacay degmada xamar jabjab.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa xalay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir gaar ahaan agaga gaarka  Baar Ha’idhaafin waxaa ay ku dhaawaceen mid ka mid ah dhalinyarada Madaniga ah ee sida bilaashka ah ama mushaar la’aan ah uga hawlgala degmooyinka gobolka Banaadir.

Ciidamada Amaanka oo halkaasi gaaray baaritaano ay sameyeen lama sheegin shaqsiyaad la tuhunsan yahay in ay ku lug leeyiin dhaawaca wiilkaas loo geystay,iyadoona kooxihii falka geystay in goobta ka baxsadeen.

Saraakiisha Amaanka iyo Maamulka degmada xamar jajab ayaan weli ka hadlin wiil dhalin yaro ah oo lagu dhaawacay degmadaasi,maadaama ay sii kordhayaan falalka noocan oo kale ee lala beegsanaya dadka rayidka ah iyo shaqaalaha ka tirsan dowlada Soomaaliya.