Uncategorized

Kooxo hubeysan oo xalay Wiil dhalin yaro ah ku dilay Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Muqdisho-KNN-Sida ay sheegayaan Wararka kooxo ku  hubeysnaa bustoolado ayaa xalay waxaa ay  Wiil dhalinyaro ah ku dileen Xaafada taleex ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dadka Degaanka ayaa KNN u sheegay in Kooxihii dilka ka geystay degmada Hodan ay halkaasi ka baxsadaan,iyadoona markii dambe ay goobta gaareen Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya,Waxaa ayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay dilka wiilkan dhalin yarada ah.

Ciidamada Dowlada Soomaalia ayaa dad badan waxaa ay ka qabteen xaafada taleex ee degmada hodan ee Gobalka banaadir,iyagoona markii dambe ay sii daayeen Dhalin yarada ay ka qabteen degmada.

Saraakiisha Amaanka dowlada Soomaaliya oo la xiriirnay ayaa sheegay in weli ay socdaan baaritaano ku aadan cidii ka dambeysay dilka wiilkan dhalin yarad ah oo xalay looga geystay degmada hodan ee gobalka Banaadir.

Dhanka kale Baraha ay Wararka ku faafiyeen Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegteen masuuliyada dilka loo geystay wiilkan dhalin yarada ah.

Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda ayaa waxaa ka dhaca dilal ay geystaan rag ku hubeysan  bastoolado, kuwaasi oo loo geysto askarta ka tirsan Dowlada Soomaaliya  iyo dad Shacab ah ee aan waxba galabsan.

Dowlada Soomaaliya ayaa  todobaad ka hor waxaa ay sheegtay in ay diyaarisay ciidamadii ka hor tagi lahaa falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda inta lagu gudaha jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.