Uncategorized

Koronto Labo Qof ku Dishay Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer

Muqdisho–KNN– Wararka laga helayo Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer Ee Degaanada Somaliland ayaa sheegaya in Labo Qof ay Koroto ku dishay Bartamaha Magaalada Burco.

Labada Qof Ee Korontadu dishay ayaa la sheegay in Bartamaha Magaalada Burco ay ku xirayeen Boor ay leedahay mid kamida Shirkada ka howlgala Magaalada Burco,iyadoo Labadiiba ay halkaas ku dhinteen kadib markii ay qabatay Korantadu.

Magacyada Labada Qof ayaa lagu sheegay Axmed Maxamuud Aadan iyo Cismaaciil Xuseen Ceynaba,kuwaas oo ku dhintay Korontada Qabatay.

Shirkadda Korontada ECO oo ku taalla Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa dhowr heer lagu Eedeeyay in Korontada ay bixiso ay dishay Dad badan oo ku nool Magaalada Burco,iyadoona aysan weli wax war ah ka soo saarin Maamulka Shirkadda Labada Qof ee la sheegay in ay dishay Korontada Shirkaddaas.