Sports

Kovacic oo doonaya inuu isaga tago Real Madrid.

Muqdisho-KNN-Kooxaha Chelsea iyo Manchester United bartilmaameedkooda koowaad ciyaaryahan Matthew Kovacic ayaa iska diiday inuu la tababarto kooxdiisa Real Madrid isagoo doonaya inuu ka tago.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ee Marca, xiddiga qadka dhexe ayaan ku qanacsanren kooxda Caasimada Spain ka dhisan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Croatia ayaa lagu qiimeeyaa 50 milyan ginni, waxaana uu doonayaa waqti xaadirkan inuu ka dhaqaaqo Real Madrid maadaama uusan ka haysan boos joogto ah.