Somali News

Ku dhawaad 10 ruux oo ku dhimatay dab ka kacay Isbitaal ku yaalo Hindiya.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan sideed ruux oo laxanuun sanayay Fayraska-Karona ayaa dhimatay kadib markii uu dab qabsaday Isbitaal ay ku jireen gudaha dalka Hindiya.

Isbitaalkan ayaa ku yaalo galbeedka wadanka Hindiya iyadoona bukaanada dhintay ay Isbitaalka uga jireen qaybta xaaladaha deg dega ah.

Kooxda dab damista ayaa lasheegay in saaacad iyo bar ay ku qaadatay daminta dabka iyadoona wakaalada wararka ee AP ay warisay in ku dhawaad 35 bukaan ah laga saaray goobta loona wareejiyay isbitaalo kale.

Hogaanka booliska ayaa dhankooda sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan waxa sababay dabka.