Uncategorized

ku dhawaad 1,500 Maxaabiis ONLF ah oo Xabsiga laga Sii Daayay.

Muqdisho-KNN=Xabsi ku yaala magaalada Jig-Jiga ee ismaamulka soomaalida Ehtopia  ayaa Saacdo kahor laga sii daayay ku dhawaad 1,500 Qof oo ka tirsan Jabhadda Mucaaradka ah ee ONLF ee ka dagaallanka dhulka Soomaali Galbeed.

Mas’uuliyiinta Ismaamulka soomaalida ethopia ayaana warbaahinta u xaqiijiyay una soo bandhigay maxaabiista maanta xabsiyada laga sii daayay.

Sii deeynta maxaabiista ONLF ayaa timid kadib wadahalo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku dhexmaray Ururka ONLF  iyo Dowlada Ethopia kaas oo la tilmaamayo in shuruudaha ay qeyb ka ahayd.

Sidoo kale tirada intaan la eg ee maxaabiista ONLF ah ayaa sla tilmaamay in ay ku timid Xuriyadooda markii madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethopia uu dowlada Ethopia ka dalbaday in la siidaayo xilli waqti hore xabsiyada laga soo daayay mucaaradka Ehtopia ee  Oromia , sidaas Owgeedna uu tilmaamay in Somalida laga sii daayo xabsiga.

Maxaabiistan aadka u badan eek u dhaw 1500  ayaa laga sii daayay Xabsiga Jeel Ogaadeen ee Magaalada Jigjiga Xarunta ay ku shaqeyso dowlad deegaanka Somalida dalka Itoobiya.

ONLF ayaa sheegtay in ay wali jiraan maxaabiis kale oo ku xir xiran xarumo kala gedisan kuwaa oo u baahan in la sii daayo

Wadahadalada dhexmaray Dowlada Ethopia iyo ONLF ayaa wajiga 1aad ee Nairopbi ka dhacay waxaa hada nuuqata in ay ka dhaqan geleen qodobo qaar oo ay sii deynta maxaabiitani kamid tahay , wajiga labaad ee wadahadalada ayaana lagu balansanyahay bisha April ee na soo aadan.

 

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan xabsiga ka siidaysay boqolaal ka mid ah Kooxaha Mucaaradka ah ee Oromadda.

 

Itoobiya ayaa hadda waxaa saaran xaalad deg deg ah, kadib iscasilaadii uu sameeyay Ra’iisul Wasaarihii dalkaasi,waxaana socda qorshe maxaabiista u xir xiran Siyaasadda lagu siideynayo.