Somali News

Ku dhawaad 20-qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Afghanistan

Kabul-KNN-Inta la xaqiijiyey 18-qofood ayaa ku geeriyootay halka tobonaan kalena ay ku dhaawacmeen qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay xarun waxbarasho oo ku taalla caasimada Afghanistan ee Kaabuul.

Qaraxa ayaa ka dhacay xarun si gaar ah cashiro loogu siiyo ardayda uu heerkoodu sareeyo, sida ay sheegtay wasaaradda arimaha gudaha dowladda Afghanistan.

Xarunta qaraxa lala beegsaday ayaa waxaa ku sugnaa dad u badan muslimiinta shiicada ah ee ku nool dalkaas.

Sidoo kale waqtiga uu qaraxu dhacay waxaa xaruntaas ku sugnaa boqolaal arday reer Afghanistan ah.

Kooxda Taliban oo ka dagaalanta qaraxyo iyo weerarro badana ka fulisa dalka Afghanistan ayaa durba iska fogeysay mas’uuliyada weerarkaas.