Uncategorized

Ku dhawaad 20 ruux oo ku dhintay Roobab dabeyla wata oo ka da`ay magaalada Borame

Borame-KNN-Roobab dabeyla wata ayaa ka da`ay magaalada Borame ee gobolka Awdal ee Soomaaliland, guddoomiyaha gobolka C/raxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in 15 qof ay ku dhinteen daadadka iyo Roobabkii dabeylaha wata ee Saacadihii la soo dhaafay ka da`ay magaalada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan deegaano kale oo ay ka da`een Roobabka xoogan weaxaana degmooyinkaas ka mid Lughaya iyo Baki.

Waxaa kaloo jira sida guddoomiyuhu uu tilmaamay in dhibaato intaas ka badan ay geysteen oo daadadka ay burburiyeen guryo badan sidoo kalane ay ku dhinteen Xoolo badan.

Wararka ayaa sheegaya gurmad ay wadaan xukuumada Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ahi oo haatan bilaabay in dadkaas waxyeelada ka soo gaartay ay wax ay wax gaarsiiyaan oo ay u gurmadadaan.