Uncategorized

ku dhawaad 200 carruur ah oo la dhigay Isbitaal ku yaala degmada Cadaado.

Cadaado-KNN-Wararka ka imaanaayo magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ku dhowaad 200 oo carruur ah uu soo ritay cudurka jadeecada, la jiifiyay Isbitaalka dhexe ee magaalada Cadaado ee Gobolkaas.

Sida ay KNN u xaqiijiyeen dhaqaatiirta Isbitaalka dhexe ee magaalada Cadaado, carruurtaan la xanuunsan cudurka Jadeecada ayaa waxaa laga kala keenay deegaano ka tirsan gobolkaasi sida deegaanka Baxdo, Docelley, Biyo gaduud iyo deegaano kale kuwaas oo hadda lagu daweynaayo Isbitaalka dhexe ee magaaladaasi.

Ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyay laba carruur ah ayaa ku geeriyootay gudaha Isbitaalka dhexe ee magaalada Cadaado, waxaana laga deyrinayaa xaaladda Caafimaad qaar kale oo ka mid ah carruurtaasi.

Dhaqaatiirta Isbitaalka dhexe ee magaalada Cadaado ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo lagu daryeelayo carruurtaas balse ay wajahayaan Dawo yari ka jirta isbitaalka dhexe ee Cadaado.

 

 

.