Uncategorized

Ku dhawaad 30 qof oo ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay Jowhar.

Jowhar-KNN-Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhaawacmay Shilgaari oo ka dhacay deegaan duleedka ka ah magaalaad Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe,

Shilkaan gaari ayaa yimid kadib markii ay isku dheceen labo gaari oo xamuul ah oo mid uu waday dad shacab ah halka kan kalena uu wadey 100 neef oo ari ah, waxaana halkaasi ku burburey baabuurkii ay shacabku saarnaayeen, kaasi oo dhaliyay dhaawaca ilaa 25 qof.

Sidoo kale Ari badan ayaa la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay Shilkaas Gaari oo ee ka dhacay Gobalka Shabeelaha dhexe.

Deegaanka oo Shilka Gaari ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Crash Program oo qayaas ahaantii 10 KM dhanka Koonfureed kaga aadan magaalaad Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle.

Dhaawacyadaasi ayaa markii dambe waxaa loo soo qaaday isbitaalada Magaalaad Muqdisho, kadib markii xaaladooda wax looga qaban waayay magaalada Jowhar.

Dadka dhaawacmay ayaa 21 ka mid ah waxay Ahaayeen Rag iyo 4 qofna ay ahaayeen Dumar waxaana Qaar ka mid ah laga deyrinayaa Caafimaadkooda.