Somali News

Ku dhawaad 40,000 oo arday oo Imtixaanka Shahaadiga ugu fadhiisatay degaanada Somaliland

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Somaliland waxaa saakay ka bilowday Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalada 8-aad iyo 12-aad,  iyadoo ardayda Imtixaanka  ka qeyb galaya maanta ay gaarayaan 37,353 arday.

Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ayaa saakay furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe, kuwaas oo ka kala dhacaya Magaalooyinka Hargeysa, Laas-caanood iyo kuwa kale.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa fariin iskugu jirta hambalyo iyo duco ah u diray ardayda maanta u fadhiisatay imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe.

Sidoo kale, wuxuu carabka ku dhuftay in tirada Ardayda Imtixaanka u fadhiisatay sanadkaan ay yihiin Ardaydii ugu tirada badneed markii ugu horreesay Imtixaanka ugh fadhiista deegaanada iyo degmooyin Somaliland.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Ardayda Alle ugu inuu ku guuleeyo geediga waxbarasho ee ay soo wadeen lana barbar-taagnaayeen waalidiintoodu, isagoo sidoo kale ardaydaasi u rajeeyay inay guul ka gaadhaan mustaqbalkooda waxbarasho, dalkooda iyo dadkoodana ku anfacaan, halkaana ay ka sii wadaan hayaankooda waxbarasho.

Dhinaca kale, Wasaaradda waxbarashada Somaliland ee Gobolka Sool ayaa ardayda ku boorisay in ay si degen Imtixaanka ugu shaqeeyaan.

Duqa degmada Laas-caanood ayaa sheegay in gobolka Sool uu caan ku yahay aqoonta maanta, isagoo rajeeyay in bulshada gobolka in ay hormuud u noqdaan markasta.