Somali News

Ugu yaraan Labo qof oo goordhaw Muqdisho lagu dilay

Muqdisho-KNN- Baabuur nuuciisa Karoola yahay ayaa goordhaw waxaa rasaas ku furay Baabuur Ciidan oo nuuciisu Cadbi Bile yahay  waxa ayna dadkaa marayeen halka loo yaqaan Beerta qaadka oo ku taalla Galbeedka Muqdisho.

Baabuurka rasaasta lagu furay ayaa waxaa la sheegay in ay Saaraayeen Sedex nin oo dhar shibil watay, Balse waxaa la xaqiijiyay in ay hubeeysanaayeen, Baabuurka rasaasta lagu furay Muddo waxaa Eryanayay Ciidamada amaanka, markii danbana Rasaas ayay iswiidaarsadeen Ciidamadii Cabdi Bilaha watay iyo raggii hubeesnaa ee gaariga saaraa. 

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ka ag dhawaa halka ay wax ka dhaceen waxaa geeriyooday sedexdii qof ee gaariga raaxada ah saaraa labo kamid halka darawalkii gaarigana uu baxsaday intii rasaastu socotay,qof rayid ahna wuu geeriyooday, Sidoo kale askartii Baabuurka rasaaseeyay mid kamid ah ayaa dhaawac soo gaaray.

Ilaa iyo hadda waxaa xiran goobta ay wax ka dhaceen Labadii qof ee baabuurka ku jirtay ee geeriyoodayna sidii ayay udhexyaalaan gaariga, ciidamaduna wey isaga fogaadeen baabuurka oo shaki ah inuu qarxo ayaa la muujinayaa

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo kordhaya dilalka Magaalada ka dhacaya, Waxaana xusid mudan in maanta Magaalada uu ka jiro dibad bax looga Ashtakoonaya dilalka Muqdisho ka dhaca.