Somali News

Ku-dhowaad 10 qof oo ku dhintay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay in kabadan 20 kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray qarax ka dhacay wadada Debka ee magaalada Muqdisho gaar ahaan maqaayado ku dhagan hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Dadkii goob joogayaasha ahaa ayaa sheegay in gaari nuuca raaxada ah oo ka yimid dhinaca Isgoyska Debka uu ku qarxay maqaayado iska soo horjeeda kuna dhaggan hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira Sheekh Yuusuf Cali Caynta oo katirsan Majmaca Culimada Soomaaliyeed iyo tobaneeyo kale oo halkaasi ku sugnaa.

Sidoo kale gaadiid badan ayaa halkaasi ku bur buray. Khasaaraha ayaa waxaa badiyay goobta oo aheyd maqaayad iyo sidoo kale wado ay aad u isticmaalaan gaaiidka Bajaajta iyo kuwa kale ee raaxada ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay DF-ka Soomaaliya oo qaraxaan ku aadan. Qaraxa ayaa ku soo aaday iyadoo shalay iyo xalay baraha bulshada ee Internet-ka lagu soo qorayay digniino amni oo la sheegay in ay ka soo baxday hey’adaha ajnabiga ah ee dalka ku sugan.

Muddo todobaad ah ku-dhowaad 10 qarax ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dhintayn dad badan oo shacab ah.