Muqdisho-KNN-Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarad ku bur burtay gudaha Itoobiya taas oo ku sii jeeday dalka Kenya.
Maamulka Shirkadda Itoobiya Airline ayaa sheegay in ay dhintayn dhamaan dadkii saarnaa diyaaradda oo gaarayo 157 ruux oo ay ku jiraan shaqaalaha diyaaradda.
Dadka dhintay oo kala dhashay wado badan ayaa waxaa kamid ah muwaadiniin Soomaaliyeed sida la xaqiijiyay. Magaca hal qof Soomaali ah oo lagu magacaabo Shahaad Cabdishakuur ayaa la shaaciyay waxaana la filayaa in dhamaan liiska dadka dhintay iyo dhalashadooda la soo saaro.
Wali lama faah faahin cilada keentay bur burka diyaaradda waxaana socda baaritaanka arintaan sida ay sheegayn saraakiisha Itoobiya.