Somali News

Ku-simaha madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta waxaa uu kulan la qaadatay Ergeyga Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan.

Kulanka ayaa waxa ay masuuliyiintu ugu hadleen weeraradii ugu dambeeyay ee ay Al-Shabaab ka geeysteen qeybo ka mid ah gobolada dhaca xadka aynu wadaagno Itoobiya.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa waxa ay soo hadal qaadeen sidii loo dardar gelin lahaa taageerada ay siineeyso Qaramada midoobay ee Golaha Shacabka JFS iyadoo laga sii-amba qaadaayo kulamo horay ay yeesheen danjire James swan iyo Guddoomiye Madoobe.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo danjiraha ayaa waxay shegewn in ay ahmiyad gaar ah siiyeen arrimaha gurmadka Abaaraha iyo sidii wax looga qaban lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada iyo degmooyinka Dalka.