Afgooye-KNN-Qaar ka mid ah Saraakiisha ciidamada xoogga Soomaaliya ee ku sugan gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay dileyn ku xigeynkii amiirka Al-shabaab ee gobalka Shabeelaha Hoose.
Saraakiisha xoogga ayaa sheegay in sarkaalkaan lagu dilay Howlgal ay ciidamada milatariga ka sameeyeen degmada Aw-dhiigle ee gobalka shabeelaha Hoose kadib dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay.
Sarkaakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay dilka ku xigeenkii Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamad Abuu-Cabdalla.
Ma jirto, ilo ka madaxbanaan Saraakiisha Ciidamada xoogga oo hadalkaan u xaqiijiyay Idaacadda kulmiye, dadka deegaanka ayaa sheegay in uu jiro dagaalka balse aysan ogayn dadka ku dhintay waxa ay ahaayeen, Al-shabaab ilaa hadda kama hadlin hadalka ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Soomaaliya ee gobalka Shabeelaha Hoose.