Sports

Kulamada galabta iyo Caawa la ciyaari doono ee Premier League

Muqdisho-KNN-Kulanka ugu weyn ee isha lagu haayo ayaa ah kan u dhaxeeya kooxaha Tottenham vs Man City kaas oo caawa ka dhici doona garoonka Wembley Stadium, waana kulan sii xumeyn kara xaalada cakiran ee city ay ku jirto.

Harry Kane ayaa rajeynaya inuu kusoo bilowdo kulanka caawa ee City, wuxuuna isha ku hayaa inuu markii sadexaad ku guuleysto kabta dahabka gooldhalinta horyaalka.

Serge Aurier ayaa kusoo bilowday kulankii Stoke City, balse lama filayo inuu kulanka caawa sidaas adeegsado, halka Davies iyo Dier qudhooda ay diyaar yahiin.

Gundogan ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilowdo kulanka caawa, walow aan la ogeyn sida ay Sterling, Jesus iyo Laporte kulankaan ugu soo bilaaban karaan.

Spurs mudooyinkii dambe dhibaato ayey ku aheyd City, kaliya hal jeer ayey lumisay shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay isku arkeen Premier League.

Pochettino wiilashiisa ayaa guul gaaray labadii jeer ee ugu dambeysay oo ay kulamada horyaalka gurigooda kula ciyaareen Citizens.

Kulankii xilli ciyaareedkaan waxaa guul weyn gaaray City oo 4-1 ku xasuuqday dhigooda kulan ka dhacay Etihad Stadium

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Tottenham vs Man City

Tartanka: Premier League

Garoonka: Wembley Stadium

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Jon Moss (England)

Shaxda Macquulka Ah:

Tottenham Hotspur: Lloris; Aurier, Sanchez, Vertonghen, Davies; Dembele, Dier; Son, Alli, Eriksen; Kane

Manchester City: Ederson; Walker, Kompany, Otamendi, Delph; Silva, Gundogan, De Bruyne; B. Silva, Aguero, Sane.

Hordhac: Southampton vs Chelsea – Blues oo xanqal taageysa ku soo laabashada afarta sare ee horyaalka.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Southampton vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Garoonka: St Mary’s Stadium

Saacadda: 2:30 Duhurnimo (XGA)

Garsoore: Mike Dean (England)

Shaxda Macquulka Ah:

Southampton: McCarthy – Bertrand, Hoedt, Yoshida, Soares – Romeu, Hojbjerg – Redmond, Ward-Prowse, Tadic – Austin.

Chelsea: Courtois – Rudiger, Christensen, Azpilicueta – Alonso, Moses, Fabregas, Kante – Willian, Hazard – Morata.

Hordhac: Liverpool vs Bournemouth – Salah Oo Doonaya Inuu Sii Wato Goolashiisa & Reds Oo Mar Walba Ku Taameysa Ineysan Lumin Afarta Sare.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Liverpool vs Bournemouth

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield Road

Saacadda: 7:30 Fiidnimo (XGA)

Garsoore: Chris Kavanagh (England.

Shaxda Macquulka Ah:

Liverpool: Karius; Clyne, Lovren, van Dijk, Robertson; Oxlade-Chamberlain, Milner, Henderson; Salah, Mane, Firmino

Bournemouth: Begovic; Frances, S. Cook, Ake, Daniels; Ibe, L. Cook, Gosling, Pugh; King, Defoe

Kulamada kale ee la ciyaari doono ayaa kala ah.

Southampton ? – ? Chelsea

Burnley ? – ? Leicester City

Crystal Palace ? – ? Brighton & Hove Albion

Huddersfield Town ? – ? Watford

Swansea City ? – ? Everton

Liverpool ? – ? AFC Bournemouth

Tottenham Hotspur ? – ? Manchester City