Somali News

Kulamadii ka socday Maamul gobaleedyada oo la soo gabagabeeyay

Muqdisho-KNN-Senater  Nadiir Axmed oo ka tirsan mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay in ay soo gaba gabeeyeen xal u raadinta khilaafka cusub ee soo kala dhex galay dowladda federaalka ah ee soomaaliya iyo maamul gobaleedyada  ka jira dalka.

Sidoo kale Xildhibaan Nadiir ayaa sheegay in aragtiyo badan ay ka soo aruuriyeen madaxda maamul gobaleedyada dalka ka jira, islamarkaana wixii cabasha ah oo ay qabaan ay u gudbinayaan gudoonka Golaha aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya si loo gaaro xalkeeda.

Waxaa uuna intaasi ku daray senaterka in caasimadaha maamul gobaleedyada oo ay tageen si wanaagsan loogu soo dhaweeyay, hayeeshee meel wanaagsan ay isla dhigeen ka hadalka khilaafka taagan.

Tan iyo Markii ay soo ifbaxday khilaafka u dhexeeya dowlada dhexe iyo Maamul gobaleedyada ayaa waxaa arintan u istaagay in ay xaliyaan Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.