Muqdisho-KNN-Wixii ka dambeeyay Weeraradii Al-Shabaab ee jimcii la soo dhaafay oo ay ku dhintayn in kabadan 45 qof oo u badan Shacab ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka jira kulamo aan kala go’o laheyn oo ay yeelanayaan hay’adaha amaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta gobalka Banaadir.
kulamadaan oo u dhaxeeya Saraakiisha Booliiska, Nabad Sugidda, Wasiirka amniga iyo Guddoomiyaha gobalka Banaadir waxaana looga hadlayaa amaanka magaalada Muqdisho oo ay ku soo batayn weerarada Al-shabaab ee galaafta Nolasha dad badan oo shacab ah.
Sabti ilaa maanta talaado ah waxaa Muqdisho ka dhacaya kulamo ku saabsan amaanka magaalada Muqdisho, waxaana qaarkood ka qayb galaya madaxda Dalka sida Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Guddiga amniga qaranka.
Sidoo kale taliyaasha Booliiska iyo nabad sugidda ayaa gaar gaar ah uga hadlay amaanka Muqdisho, halka xildhibanaada golaha Shacabka Guddigooda amniga ay ka mid noqdayn dhinacyada ka hadlaya qatarta Al-Shabaab ee Shacabka Muqdisho iyo Guud ahaan Soomaaliya.
kulamada amaanka Muqdisho ee Booliiska, Nabad Sugidda, Wasiirada amaanka iyo Gaashaan-dhigga, Guddoomiyaha gobalka Banaadir, Guddiga amniga qaranka, guddiga amniga ee golaha Shacabka iyo dhinacyada kale ee amaanka ayaa dejinaya qorshe lagu xaliyo dhibaatooyinka amni ee Muqdisho.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka qabin in isbadal deg deg ah laga sameeyo amaanka magaalada Muqdisho, waxayna markaa la hadasho kuu sheegayaan in kulamadaan ay lamid yihiin kuwii qabsoomay markii uu dhacay weerarkii ugu xumaa ee Soomaaliya ka dhaca ee 14-kii Bishii October 2017.
Qorshaha amni ka soo baxay kulamadii ugu dambeeyay ee qabsoomay waxaa ka mid ah howlgal ay ku dhawaaqday Dowladda Soomaaliya oo ka bilaaban doona Muqdisho waqtiyo dhaw, Saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in maalin iyo wax u dhaw aan wax looga qaban karin xaaladda Muqdisho waxayna sidoo kale sheegayaan in ay qalad aheyd ku dhawaaqidda Howlgalkaan iyo shaacinta meelaha laga sameynayo.
Shacabka Muqdisho oo wajahaya xaalado aad u adag oo dhinaca amniga ah ayaa dhowraya isbadal ay la timaado Dowladda Soomaaliya madaama dad badan oo shacab ah ay ku dhamaadaan weerarada Al-Shabaab ee Muqdisho.