Uncategorized

Kulamo gaar gaar ah oo Jowhar dib uga bilaawday

Jowhar-KNN-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo ku xigeynkiisa ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah oo ka socda magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle, kulamadaas oo ay la qaadanayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

Kulamadaan ayaa yimid kadib markii kulankii deg degga ahaa ee maanta yeelan lahaayen Xildhibaanada maamulkaasi uu u baaqday kooram la’aan Xilli ay magaalada Inta badan ku sugan yihiin Xubnaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa ka cabanaya Mushaar la’aan waxayna dalbaday in la siiyo lacagtii Xildhibaanada ee afartii bil ee la soo dhaafay, ka hior inta aysan codka Kalsoonida siinin Xubnaha Wasirada halka madaxweynaha uu dalbaday in uu bixiyo Labo bilood oo kaliya.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la sheegay in uu hada kulamo gaar gaar ah la leeyahay Xildhibaanada waxa uuna ka dalbanayaa in ay codka u qaadaan Golahiisa wasiirada, Lama oga sida uu noqon doono Xaalka Hirshabeelle.