Uncategorized

Kulamo iska soo horjeeda oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Wararka laga helaayo Madaxtooyada Soomaalioya ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo Siyaasadeed oo xoogan uu hadda ka socda Madaxtooyada iyo qeybo kale oo ka mid ah Magaalada Muqdisho waxaana dhaq dhaqaasi wado xubno kawada tirsan Barlamaanka Soomaaliya, waxaana arintaas ay salka ku haysaa kaddib markii Baarlamaanka Soomaaliya uu lugaha la galay qalalaase siyaasadeed oo ka dhalatay mooshin ay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ka gudbiyeen Guddoomiye Jawaari, kaasoo markii dambe Guddiyada Joogtad ay laaleyn, kaddib markii uu dhameystirmi waayay kooramkii loogu tala galay, inkastoo arinta aysan u muuqanin mid halkaas ku idlaatay.

Kulamadaan ayaa waxay ka kala dhici doonaan Xarunta Villa Hargeysa oo ah  Hoyga Guddoomiye Maxmed Shiikh Cusmaan Jawaari, halkaasoo in ka badan 100 Xildhibaan looga yeeray, dhankale kulan kale oo qado ah oo ay leeyihiin Xildhibaanada ka soo horjeeda Guddoomiye Jawaari ayaa ka dhici doona Hotelka SYL, waxaana la sheegayaa in kulankan qadada ah laga soo abaabulayo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xukumada Kheyre ayaa la sheegaa in ay ku lug leedahay Mooshinka laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari iyadoona saxiixayaasha mooshinkaas ay u badnaayeen Xildhibaano Wasiiro ah taas dadka dareensiisay kulug lahaanshaha Xukumada Kheyre Mooshinkaas.

Wararka laga helaayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in kulamada siyaasadeed ee maanta ka dhacaya Madaxtooyada iyo qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho in u jeedkooda uu yahay sidii labada dhinac ay u sameyn lahaayeen dhoolatus ay ku soo bandhigayaan tiradooda, si ay u muujiyaan cududooda, taas oo muujintoonto halka uu ku dambeyn karo Mooshinkaasi.

Sikastaba ha ahaatee galinka dembe ee maanta ayaa la filayaa in labada dhinacba ay soo bandhigaan u jeedka kulankood waxaana xarumahaas hadda looga yeeray Bahda Warbaahinta.