Kismaayo-KNN-Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Kismaayo
ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka socday shirar gooni gooni ah kuwaas oo
u dhexeeya Odayaasha dhaqanka Jubbaland, Saraakiisha amniga iyo madaxda Sare ee
maamulka Jubbaland.
Shirkaas oo looga hadlayay arimaha ammaanka deegaanada maamulkaas ayaa wali
kasocda Kismaayo waxaana Odayaal dhaqanku ay walaac xoogan ka muujiyeen xaalada
ammaanka magaalada Kismaayo, oo maalimihii dembe ay ka dheceen dilal aan looga
baran.
shirarkaas ayaa sidoo kale lagusoo hadal qaaday sidii ay u qabsoomi lahayd
doorasho xor ah oo ka dhacda deegaanada maamulkaas oo waqti yar uu ka
harsanyahay.
Mid kamid ah Odayaashii dhaqanka ee shirarkaas ka qeyb galay oo magaciisa ka
gaabsaday ayaa KNN uxaqiijiyay in wali aan layisku afgaran kulamadaas oo
ay sii soca doonaan wixii kasoo baxana ay warbaahinta la wadaagi doonaan.