Somali News Sports

Kulamo katirsan tartanka Kubadda cagta D/G/banaadir oo laciyaaray.

Muqdisho-KNN-Labo kulan oo ka tirsan tartanka kubada cagta dagmooyinka gobolkan banaadir ayaa galabta la ciyaaray.

Garoomada koonis iyo Jaamacadaha ayaa lagu kala ciyaaray labadaasi kulan iyadoo taagrero badan ay kasoo qayb galeen kulamadaas.

Dagmooyinka Shibis iyo X-Jajab ayaa ku ciyaaray garoonka Jaamacadaha ee dagmada Hodan iyagoo ciyaaraya kulankooda ugu horeeya ee groupka xili ay kuwada jiraan Garoupka “B” kulankan ayaa kusoo gabagaboobay waqtigi loogu talagalay iyadoo guul muhiim ah ay gaartay dagmada Shibis oo ku adkaatay 1:0.

Dhanka kale garoonka Banaadir ee dagmada C/Caziiz waxaa kuwada ciyaaray dagmooyinka Kaaraan iyo H-Wadaag ciyaar aad u qurux badneed oo kusoo idlaatay 1:1 barbaro ah.

Tartanka dagmooyinka ayaa si xiiso badan u soconaya walow meelihiisa xamaasada badan wali aan lagaarin.