Kismaayo-KNN-Kulamo looga hadlayo Doorashada Maamulka Jubbaland ayaa xalay waxaa ay siyaabo kala duwan uga qabsoontay Magaalada Kismaayo.
Qaar ka mid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland eek u sugan Magaalada Kismaayo, waxaa ayna ka wadahadlayeen go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashada Jubbaland, kaasi oo ahaa in shuruudaha laga rabo qofka Musharaxa ay tahay in uusan qabin Xaas Ajnabi ah, isla markaana uusan guursan karin Xaas Ajnabi inta uu xilka haayo.
Sidoo kale inuu leeyahay shahaado jaamacadeed ama leeyahay qibrad iyo hoggaan maamul ug7 yaraan 10 sano.
Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhankiisa waxaa uu kulamo la qaatay Guddiga Doorashada iyo qeybaha kala duwan bulshada, isagoona kala Hadlay Amniga Magaalada Kismaayo iyo sida ay u dhici laheyd doorashada.