Somali News

Kulamo looga hadlayo xaalada Galmudug oo ka socda Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb-KNN-Kulamo u dhexeeya Madaxda Sare ee Galmudug ayaa xalay ilaa  iyo saakay  ka socda Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Dhinacyadu Tashi ka Yeelanayaan Galmudug iyo Halka loo Jaheyn doono Maadaama Dowladu Cadeysay Go’aankeeda.

Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo Kulan Ka Dalbadey Baarlamaanka ayaa Shir Albaabada u xiran la leh Xildhibaanada Ku Sugan Magaalada Dhuusa mareeb.

Madaxda Galmudug iyo Ahlusuna ayaa waxaa ay dood adag ka leeyihiin sida laga yeeli lahaa go’aanka ka soo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geele Xaaf uu dib ugu laabtay magaalada Dhuusa Mareeb, isagoona halkaasi ka sheegay inuu ka soo horjeedo go’aankii ka soo baxay Wasaaradaha Arimha Gudaha Soomaaliya, islamarkana Galmudug ay isku tashatay sida uu hadalka u dhigay.