Somali News

Kulamo xasaasi ah iyo cadaadis hor leh oo ka bilaawday Muqdisho kadib go’aankii DF

Muqdisho-KNN-Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo xubno kale oo kamid ah Golaha midowga musharaxiinta ayaa xalay yeeshay shir saacado qaatay, kaas oo ay uga hadleen hadalkii xukuumada ee lagu joojiyay banaanbaxyada iyo kulamada dadweynaha.

Midowga musharaxiinta ayaa dejiyay qorshayaal suurta gelinaya in ay dhigaan banaanbaxa todobaadkaan waxaana la filayaa in maanta ay la hadlaan warbaahinta.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa wado shirar gaar gaar ah oo ay uga hadleyso abaabulka banaanbaxa mucaaradka iyo sidii loo joojin lahaa banaanbaxaas.

Wasiiro ka tirsan xukuumada Rooble ayaa la kulmay siyaasiin ku heyb ah madaxweynayaashii hore ee dalka, waxeyna ka dalbadeen in ay ka qeyb-qaataan baajinta banaambaxa la qorsheeyay ee ka dhacaya taalada Daljirka Dahsoon

Durba Muqdisho waxaa laga dareemayaa culees ciidan iyo dhaqaaqyo ka socda dhinaca dowladda, goobo hor leh ayaa ciidan la dhigay waxaana la baarayaa gaadiidka iyo dadweynaha, halka wadada aada garoonka diyaaradaha xalay biro lagu gooyay loona diiday gaadiidka u socda dhinaca garoonka.