Somali News

Kulamo xasaasi ah oo caawa Dhuusamareeb uga socda RW Kheyre iyo Hoggaankii Ahlusunna.

Dhuusamareeb-KNN-Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxay caawa kulamo albaabadu u xiranyihiin uga socdaan hoggaankaanka Ahlusunna iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana looga hadlayaa kulamadaas arintii maanta ka dhacday magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gurceel.

Ciidamo taabacsan hoggaankii Ahlusunna ayaa maanta mar qura lagu baraarugay iyaga oo la wareegay garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb.

Lawareegitaanka garoomada labada magaalo ayaa la sheegay in looga soo horjeedo Ciidamo la sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu doonayey inuu ka dajiyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa jirta arinkale oo guuxeedu uu ka taaganyahay magaalooyin ay kamid yihiin Gurceel iyo Dhusamareeb, taas oo salka ku heysa mushaarka ciidamadii Ahlusunna ee dhawaan ay dowladdu la wareegtay.

Mushaarkii ay dowladdu ugu tala gashay ciidamadaas ayaa la sheegay inuu shalay ilaa maanta soo dhacay, waxeyna dowladdu isku mushaar siisay Askariga Dablaha ah iyo Generaalka hoggaamiya ciidamadii Ahlusunna ee dowladdu ay la wareegtay, waxaana caddadka mushaarkaas lagu sheegay 100$.

Wixii kasoo kordha kala soco KNN: