Somali News Sports

Kulamo xiiso badan oo laga ciyaari doono tartanka kubada cagta D/G/Banaadir

Muqdisho-KNN-Labo kulan oo ka tirsan tartanka kubada cagta dagmooyinka gobolkan banaadir ayaa galabtay la ciyaari doonaa.

Garoomada koonis iyo Jaamacadaha ayaa lagu kala ciyaari doonaa kulamadaas oo aad uxiisa badan.

Dagmooyinka Dharkeenley iyo yaaqshiid ayaa kuwada ciyaari doono garoonka Jaamacadaha ee dagmada Hodan iyagoo ciyaaraya kulan ka tirsan groupka “A”.

Dhanka kale garoonka Banaadir ee dagmada C/Caziiz waxaa kuwada ciyaari doono kulan aad u adag dagmooyinka Xamar-Jajab iyo Hodon oo kawada tirsan Groupka “B”

Tartanka dagmooyinka ayaa si xiiso badan u soconaya walow meelihiisa xamaasada badan wali aan lagaarin.